WAR-DEG DEG AH:- Labada Ciidan ee Puntland iyo Galmudug oo Lakala Qaaday

WAR-DEG DEG AH:- Labada Ciidan ee Puntland iyo Galmudug oo Lakala Qaaday

Dawlada Puntland iyo Gamudug ayaa go’aan culus ka qaatay xiisadda colaadee ee kataagan Magaalada Galkacyo kadib kulan xasaasi ah oo kadhacay dhanka Puntland, iyadoona xogta aan helnay ay sheegayso in lagu heshiiyey kala durkinta ciidamada labada dhinac.

Puntland ayaa xalay ugu dambeyntii soo jeedisay in 4KM ay isku jirsadaan labada ciidan oo ay tahay sida kaliya oo lagu gaari karro xal nabdeed, maadaama ay hadda isku jiraan masaafo ka yar 1KM.

Saraakiisha Dawlada Puntland iyo Galmudug ayaa saaka lagu amray iney kala fogeeyaan Ciidamada isku for fadhiya duleedka Gaalkacyo.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya iyo labada Madaxweyne ayaa la sheegay iney booqanaya galbeedka si ay u hubiyaan in Ciidamada la kala qaaday


BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI

Developed by Jago Desain