Xog: Madaxweynaha Dawlada Puntland oo dhawaan booqasho ku Tagi Doona Dalka Shiinaha



Warar si hoose uga soo baxaaya madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. C/Weli Maxamed Cali Gaas uu maalmahan soo socda booqasho ku tagi doono dalka shiinaha gaar ahaan magaalada Shangahai.

wafdiga Madaxwaynaha puntland C/wali Gaas ayaa marka hore tagidoona magalada Addis Ababa iyagoo halkaas uga sii ambabaxi doona wadanka China magaaladiisa Shangahai.

safarka uu damacsanyahay inuu madaxwayne Gaas ku aado dalka shiinaha ayaa waxaa ku weheliya sida xogtu sheegayso wasiirkiisa ganacsiga puntland , wasiiru dowlaha kaluumeysiga, iyo mauul ka socda hay’ada shidaal baarista puntland.

In kasta oo aan wali si rasmi ah loo shaacin arimaha la xiriira safarka madaxweynaha, haddana warar hoose ayaa sheegaya in ujeedada ugu weyni ay tahay in uu la xiriiro kulamo uu la yeelanayo shirkado kaluumeysi iyo kuwo shidaal baaris kuwas oo uu wadahadal uga socdey bilihii u dambeeyey magalada Addis Ababa oo madaxwaynaha puntland marar badan kula shiray.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka Calbari
baargaal@gmail.com

 
Developed by Jago Desain