AKHRISO: WASAARADA HAWEENKA PUNTLAND OO KA HADASHAY BUUG MURAN DHALIYAY

WASAARADA HAWEENKA PUNTLAND OO KA HADASHAY BUUG MURAN DHALIYAY

Wasiirka Wasaaradda Haweenka Horumarinta iyo Arimaha Qoyska Puntland Drs. Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa shir Jaraa’id Maanta ku qabatay Xafiiska Wasaaradda ee Magaalada Garowe.

shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Farxiyo Yuusuf Xersi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/risaaq Nuux Maxamed Ciise (Hantiile)

SIdoo kale Madasha lagu qabanayay shirkan oo ahayd Xarunta Wsaaradda waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Difaacaha Xaquuqda Aaadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali.

Muhiimada loo qabtay shirkan waxaa uu ahaa in wasaaradda ay wax kama jiraan ku tilmaanto ku lug lahaanshaha buug lagu qeybiyay Xaflada 10ka December oo ka hadlaya qodobo ka hor imaanaya Diinta islaamka iyo Dastuurka Puntland.

Wasiika haweenka Puntland Drs. Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay shaqsiyaadka ku bahoobay in ay marin habaabiyaan shacabka Puntland,iyadoo sheegtay in ay baaritaano ku hayaan dadka ka dambeeyay fal dambiyeedka la xiriira qeybinta buugaasi oo diinta islaamka si weyn uga horimaanaya.

Wasiirka haweenka ayaa soo qaadatay Qodobada 16aad iyo 18aad ee bugaasi kuwaasi oo dhigaya in qof walba uu qaadan karo diinta uu doono balse wasaaraddu aysan ka war heyn ogaalka qeybinta buugaasi iyo waxyabaha ku qoran intaba.

ugu dambeyn waxaa shirkan soo xiray Gudoomiyaha Difaaca Xaquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali oo sheegay in dhammaan xubnaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Culimada diinta iska wareysteen sidii looga hortagi lahaa kooxaha caadeystay in waxyaabo diinta islaamka iyo Dastuurka ka hor imaanaya Dalka ku faafiyaan.

halkan ka akhriso qoraalka ka soo baxay wasaarada haweenka iyo horumarinta qoyska puntland 





Developed by Jago Desain