Arsenal Oo January Dhameystireysa Saxiixa Javier Hernandez Chicharito


Kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska ayaa la aaminsan yahay in qorsheheeda koowaad ee Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda bisha January inuu yahay dhamaystirka Saxiixa Weeraryahanka kooxda Bayer Leverkusen Javier Hernandez Chicharito.

Macalinka Kooxda Arsenal Arse Wenger ayaa bartilmaameedkiisa ugu horeeya ka dhiganaya xidiga reer Mexico ee hore ugu soo ciyaaray Kooxda ka dheesha Premier League ee Manchester United,Kooxda Gunners ayaa xagaagii hore ku fashilantay soo xera galinta Chicharito Hernandez.

Tababare Arse Wenger waxaa haysato dhibaato dhanka weerarka ah kadib markii dhaawac mudo dheer ah uu ku waayey Welbeck,Groud ayaa ku jira qaab ciyaareed aan wanaagsaneen,Waxaana weerarka Arsenal loo adeegsadaa Alexis Sanchez,Kooxda oo bilowgii xilli Ciyaareedkan lasoo saxeexatay Lukas Perez ayaa wali dareemeysa baahi dhankaweerarka ah.by
Developed by Jago Desain