Posts

War Deg Deg ah:- Dagaal Dhimasho Sababay oo Saaka ka qarxay Magaalada Gaalkacyo


Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saakay uu ka qarxay Dagaalo u dhaxeeyo Ciidamada Puntland iyo kuwa Gal-Mudug.

Dagaalkaan ayaa waxa uuku biloowday Madaafiic ayis weeydaarsanayeen Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Dagaalka ayaa waxa uu kaqarxay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo halka loo yaqaano Dooxada barda Dheere eexarunta hore ee warshadaGaleeyda oo sidaasi uga fogeeyn xarunta taliska booliska Ee Galmudug.

Dhinacyada Puntland iyo Galmudug Ayaa isku eedeeyay durba dagaalkaasi in uu ku soo qaaday kan kale iyaga oo ku eedeeyay in ay bur buriyeen xabad joojintii iyo nabadeeyntii.

Waxaa bur burtay xabad joojin la dhax dhigay Dhowaan Dhinacyada Galmudug iyo Puntland taasi oo ay garwadeeyn ka aheyd Qaramada Midoobay iyo Dowlada Soomaaliya.
Developed by Jago Desain