Posts

Afar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha oo la diiwaangeliyay

Afar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha oo la diiwaangeliyay
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxay illaa iyo hadda ay diiwaan-geliyeen afar ka mid ah musharaxiinta u taagan jegada madaxtinimada dalka.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo fadhigeedu uu yahay Xarunta Villa Hargeisa, oo ku dhex taala Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa waxaa Khamiistii si rasmi ah uga bilowday diiwaan-gelinta musharaxiinta.

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya, ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee la diiwaan-geliyo. Musharaxa labaad, ayaa waxaa noqday C/qaadir Cosoble Cali, iyadoo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu noqday musharaxii saddexaad, halka Maxamed Maxamuud Culusow uu noqday musharaxii afaraad ee isa soo diiwaan-geliya.

Musharax kasta oo u taagan madaxtinimada dalka, ayaa sharuudda ugu adag ee hor taala waxaa weeye in uu bixiyo lacagta is diiwaan-gelinta, oo cadadkeeda lagu sheegay soddon kun oo lacagta Mareykanka ($30,000).

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle iyo xubnaha kale ee Guddiga Doorashada ka tirsan, ayaa iyagu heegan ku ah Villa Hargeisa.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo Arbacadii ku kulmay Magaalada Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay in Doorashada Madaxweynaha Somaliya la qaban doono 8-da bisha soo socoto ee February

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain