Daawo Sawiro : Olole Nadaafadeed oo Ay iska kaashadeen Maamulka Iyo Shacabka oo Ka bilowday Xaafadaha Magaalada Baargaal

Daawo Sawiro : Olole Nadaafadeed oo Baalaaran oo Ay sika kaashadeen Maamulka Iyo Shacabka oo Ka bilowday Xaafadaha Magaalada Baargaal


Maamulka Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ayaa Olole nadaafadeed oo Balllaaran ka bilaabay magaalada kaasoo kor loogu qaadayo quruxda iyo Bilicda Magaalada.

Ololahan nadaafadeed ayaa,waxaa ka qeybqaadanayey shaqaalaha dowladda hoose,iyadoona shaqada socotay uu goobjoog ka ahaa qayb libaaxna ka qaatay Gudoomiyaha Degmada Baargaal ahna Duqa Magaalada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf

waxaa sidoo kale door wayn ka qaatay ololha ballaran Xoghaya Degmada Baargaal Siciid cawil Dhuxul , Gudoomiye ku xigeenka Degmada Yuusuf Maxamed xirsi , Taliyaha Cusub ee Police-ka Degmada Baargaal Taliye Muumin Abshir , Taliyaha qaybta ee Gobolka Gardafuu General Maxamed xirsi Cumar , ururka Hooyooyinka Degmada , ururada dhalinyarada , ciidanka , iyo dhamaan qaybaha Bulshada Baargaal

Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuuusuf ayaa si weyn u boggaadiyey shaqada la bilaabay ee nadaafada oo ka bilaabatay qar kamid ah xaafadaha Baargaal ,wuxuuna amaan u jeediyey shaqaalaha ka qeybqaadanayey ololahan.


Xoghayaha Degmada Baargaal Mudane siciid cawil dhuxul ayaa sheegay iney ku hawlan yihiin ka shaqeynta nadaafada magaalada, asagoo sheegay in ay mar walba diyaar u yihiin sidii ay ugu soo celin lahaayeen magaalada Baargaal Bilicdeedii lagu yiqiinay asagoo si gaar ah u amaanay hooyooyinka Baargaal sida ay isugu soo xil qaameen sidii loo soo celin lahaa Bilicda Magaalada

waxgardka iyo bulshada ku dhaqan Magaalada Baargaal ayaa si weyn usoo dhaweeyey Ololahan nadaafadeed ee u qaaday maamulka dowladda hoose ee Degmada Baargaal

Maamulka Degmada Baargaal ayaa waxaa ay mudooyinkaan ku dadaalayeen soo celinta bilicda iyo Quruxdii Magaalada Baargaal iyadoo Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Baargaal Maalinba Xaafad si gaar ah loo nadiifinaayo

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka CAlbari
Baargaal@gmail.com




















Developed by Jago Desain