Daawo Sawiro: Wafdi Qurbajoogta Gobolka Gardafuu ka mid ah oo Booqasho iyo Dalxiis ku soo gaaray Gobolka

Daawo Sawiro: Wafdi Qurbajoogta Gobolka Gardafuu ka mid ah oo Booqasho iyo Dalxiis ku soo gaaray Gobolka


Waxaa Booqasho, Dalxiis iyo kormeer mudooyinkan ku soo gaaray Deegaanada Gobolka Gardafuu Caaqil Maxamed Cali Aadan iyo Duuliye Cabdisamad Yuusuf Muuse oo kamid ah qurba joogta kasoo jeeda gobolka Gardafuu.

Wafdiga oo ka hadlay imaatinkooda Degaanada Gobolka Gardafuu oo ay Booqdeen cirif ilaa ka cirif ayaa sheegay iney si aad ah ugu faraxsanyihiin isla markaana ay ka mahadcelinaan soo dhaweynta iyo casumaadaha loogu sameeyey dhamaan deegaanada Gobolka

Waftigan ayaa magaalo iyo tuulo walba oo ay sii maraan siwayn oo kalgacal iyo muxubo ku jirto casumaado qado iyo casho sharafeed ah loogu soo dhawaynayay iyaga oo intii ay socdeena booqday degaano badan sida Taageer , waadikahyr , Baargaal , Tooxin , Bareeda , sayn wayn , sayn yar ceellaas , Xaabo , Murcanyo , iyo Magaala Madaxda Gobolka gardafuu ee Caluula iyo deego kale oo badan ayagoo deegaanadaas booqday xarumaha Waxbarashada ,Caafimaadka iyo adeegyada bulshada iyo bilicda iyo dhulka dalxiiska iyo dhismayaasha taariikhiga ah sida daartii harti Bile

wafdigan ayaa sheegay in qorshaha ay uyimaadeen deegaanka uu yahay inaywax ka ogaadaan xaalada deegaankuku sugan yahay iyo waxyaabaha uu ubaahanyahay iyo inay ku dalxiisaan dhulkoodii oo muudo badan ay ka maqnaayeen

Safarka wafdigan qurbajoogta ah ayaa waxaa la dhihi karaa wuxuu dhiirigelin u noqonaayaa qurba joogta kale ee gobolka si iyaguna u soo booqdaan deegaanadooda.


Halkaan Hoose ka Daawo Sawirada Dalxiiska iyo Booqashada Wafdiga ee Deegaanada Gobolka Gardafuu














Wafdiga oo Booqanaya Daartii Taarkhda dheerayd ee Harti Bile 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmailcom

Developed by Jago Desain