Posts

DEG DEG: Qarax Labaad, Kana Xooggan Kii Hore Oo Hadda ka Dhacay muqdisho ( Sawiro)

DEG DEG: Qarax Labaad, Kana Xooggan Kii Hore Oo Hadda ka Dhacay muqdisho


Qaraxa labaad ayaa salfaday Ciidamo dhowr ah oo ku sugnaa Goobta iyo dad shacab ah oo u daabasho tagay Hoteelka, waxaana ilaa iyo iminka Rasaas iyo Qaraxyo laga dhex maqlayaa Gudaha Hoteelka iyo banaanka hore.

Gudaha Hoteelka ayaa waxaa ku jira ilaa Lix Xildhibaan oo la sheegay inay ka mid ahaayen Mas’uuliyiinta deegaanka ku ah Hoteelka, inkastoo aan si dhab ah loo sheegin khasaaraha soo gaaray Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta degnaa Hoteelka.

Mid kamid ah ciidamada Hoteelka ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay ilaa 11 ruux oo Meyd ah, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 21.

Geesta kale, Ciidamo ayaa ku sugan Goobta waxaana leysku dayayaa in Gudaha loo galo Hoteelka si looga saaro Al-shabaab.

Daawo sawiro 




Gudaha Dayax Hotel qaraxa kadib

Developed by Jago Desain