Posts

(Dhagayso) Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu Oo ka hadlay Xaalada Gobolka Gardafuu

Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Gardafuu ee dhamaadkii sanadkii tagay loo soo Magacaabay mudane Maxamuud Axmed Caynab Gubsul oo marki ugu horeysay la hadlay warbaahinta waxaa uu ka waramay xaalada degaanka tan iyo markii la soo magaaabay iyo waxgabadkii u hirgalay mudadii gaabnayd ee uu shaqaynayay maamulkiisu.

Gudoomiyaha ayaa ka waramay waxyaabaha u qabsoomay Mudadii la soo magaaabay ka dib ilaa iyo xiligan isagoo sidoo kale ka waramay wax baahiyaha haatan ka jira degaankaasi.

Gudoomiyaha waxaa uu soo hadal qaaday in tan markii la soo magacaabay ka dib ay waxyaabo qeybtood u qabsoomeen halka kuwa kalana uu sheegay in ay dadaalkooda ay ku daba jiraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

ugu dambeyn gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in Adeegyada kale ee Cafimaadka Waxbrashada looga baahan yahay in si wada jir ah loogu howlgalo.

Halkan hoose ka dhagayso Warasyi uu siiyay Idaacada Daljir

Developed by Jago Desain