Maqaal : Garaacista Caruurta iyo Saamanynta ay ku ledahay Mustaqbalkoda

Maqaal : Garaacista Caruurta iyo Saamanynta ay ku ledahay Mustaqbalkoda
Garaacista Caruurta Lagaaracayo ayaa ah wax ka jira wadamadda Qaar, gaar ahaan wadamadda Saboolka ah,Dadka Soomaaliyeed oo leh Dhaqan wanaagsan oo soo jireen ah, ayaa xilaggay Caruurtu yaryaryihin wax yaabaha ay aaminsanyihiin in Caruurta lagu edbiyo ayaa ah, in lagaaraco ama lagu ilaaliyo Usha iyadoo ujeedaduna tahay in kor loo qaado Edebtooda iyo Anshaxooda.

Saamaynta ugu wayn ee garacista Caruurta ayaa ah in ay ka tagaan Waxbarashada ama ay colaad iyo calool xumo u qaadaan Bulshadda ay ku dhex noolyihiin, taasna wa tan sababtay in Arday walba markuu Macalin Noqdo usha Uu uqaato.

Garacista macalinku uu garaacayo Ardayga ayaa mararka qaar waxay sababtaa in Ardaygu cabsi uu ka qabo ciqaabta macalinka uu casharka u soo Xafido Balse taasi Uma Noqonayso Mustaqbal iyo Waxbarasho anfacda, Waana tan sababtay in Ardaygu markuu Waxbarashada dhameeyo uu dib u fiirin waayo.

In Macalinku uu muujiyo Saaxiibtimo Dheerad ah waxay kaalin Wayn ka qaadaynaysaa Waxbarashada Ardayga,Mustaqbalkiisa, iyo Kalsoonida Ardaygu ka helayo Macalinkiisa,taasna waxay sababtaa in wax walba oo naftiisa khuseeya ama soo wajahada uu u sheegan karo Macalinkiisa.

waxaa haboon Goobaha waxbarashada in lagu soo daro Goobo ciyaareed,Farshaxano iyo Xirfadaha kala Duwan ee Nolosha waxay kaalin wayn ka qaadaynasaa Horumarinta Ardayga, iyo in ardaygu isagoo Heerka waxbarasho maraya uu aqoonsado xirfadda uu yaqaan si uu usii xoojiyo Xirfadiisa.

Mararaka qaar waxa dhacda in Ardaygu uu ku dhaco Waxbarashadiisa ama uu dhibco Hoose keeno, taas micnaheedu ma,ahan in ardaygu uu yahay Damiin.

Balse waxaa Xusid Mudan in ardaygu markuu saas oo kale yahay uu haysto ama Yaqaan xirfad kamida xirfadaha Nolosha loona Baahanyahay in uu sii xoojiyo.

Waxaa dhacda Macalimiinta iyo waalidkuba inay Fiiriyaan dhibcaha uu keenay iyo Boqolkiiba intee Buu haystaa, taasna Waalidka Loogama baahna.

Inkastoo Dadka Badankood ay Aaminsanyihiin in Ardayga Lagaraaco ama loo handado, oo lagu handado Waa lagu garaacaya ama waa lagu ciqaabaya waxay keenaysaa in uu Cuqdad Qaado Ardaygu.

Farxad iyo Qosol Loo Muujiyo Ardayga waxay Keenaysay in Ardaygu Waxbarashadiisa uu sii wato,Noqdana mid Garab ka haysta Dadka Uu ku dhex Noolyahay.

Waxaa qoray :- 
Sicid Mahad Maxamed
Saidmahad10@gmail.com
Bosaaso - Puntland - Somlia 

Developed by Jago Desain