Posts

Midowga Yurub oo rajo ka muujiyey Hoggaanka cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya


Ururka mideeya dalalka Yurub ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo guddoonka cusub ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya oo todobaadkii hore lagu doortay Muqdisho.
War kasoo baxay midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay ka rajeynayaan hoggaanka cusub kuwa diirada saari doona ka hortaga caqabadaha cusub ee soo wajiha kara.
Baarlamaanka cusub ayaa loo jeediyey in ay kasbadaan shacabkooda Soomaaliyeed ee ay matalaan.
Xubnaha Ururka Midowga Yurub waxaa ay rajo fiican ay ka muujiyaan doorashada hoggaanka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka rajeynaynaa in ay diirada saari doonaan in ay ka hortagaan caqabadaha cusub ee soo wajihi kara”ayaa lagu yiri qoraalka
Baarlamaanka cusub ayaa todobaadkii hore dib u doortay Guddoomiyihii hore Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo labadiisa kuxigeen

SHABAKADA BAARGAAL.NET 2017
Developed by Jago Desain