Posts

RASMI:Riyad Mahrez oo ku guuleystay Ciyaaryahanka ugu fiican Afrika


Xiriirka Kubadda Cagta Qaarada Afrika ee CAF ayaa ku dhawaaay in Xidiga Riyad Mahrez ee ka tirsan Kooxda Leicester City iyo Xulka Qaranka Algeria inuu ku guuleystay Abaal Marinta Laacibka ugu wanaagsan Afrika 2016ka “African Footballer Of The Year 2016″..

Laacibka reer Algeria ayaa kooxdiisa Leicester waxa uu xagaagii hore ku hogaamiyey hanashada horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska,Mahrez ayaa helay 361-cod kuna soo baxay Kaalinta Koowaad waxaana loo caleema saaray Laacibkii Afrika ugu wanaagsanaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016.

Pierre Emrick Aubameyang oo difaacanayey Abaalmarinta isla markaane ku guuleystay sanadkii 2015kii ayaa soo galay kaalinta labaad.

BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA DEEGAANADA CALBARI
Developed by Jago Desain