Sawiro: olole Ballaaran oo Qashin aruurin ah oo laga fuliyay Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu

Sawiro: olole Ballaaran oo Qashin aruurin ah oo laga fuliyay Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu
Dawlada Hoose ee Degmada Caluula ayaa maanta olole Ballaaran oo Qashin aruurin ah ka Fulisay Degaano ka tirsan Degmada Caluula sida magaalada xaabo

Ololahan oo ujeedadiisu ahayd sidii dib loogu nadiifin lahaa Gudaha Magaalooyinka iyo Banaankooda si ‎ay mar kale u soo muuqato Bilicdii ay lahaayeen magaalooyinku , ayaa waxaa ka qayb galay maamulka degmada oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha degmada Caluula  , ku xigeenkiisa iyo xoghaya Dawlada Hoose ee degmada caluula , ururada haweeenka , dhalinyarada, ciidanka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada  waxaana ololahani uu ahaa mid si ‎weyn loo soo abaabulay 


ololahan qashin uruurinta  ayaa lagu nadiifiyay Xaafadaha, wadooyinka iyo suuqyada iyo xeebta Magaalada xaabo.

xog hayaha Dawlada Hoose ee Degmada Caluula Mudane cawil siciid maxamed ayaa si weyn u boggaadiyey shaqada la qabtay ee nadaafada ,wuxuuna amaan u jeediyey dhamaan qaybaha bulshada ee kala  qeybqaadanayey ololahan.

odayaasha iyo waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin  soona dhawaynaayaan Ololahan nadaafadeed ee Iskaa Wax u Qabsada Ah ee u qaaday maamulka dowladda hoose ee Degmada Caluula isla markaana Ay Muhiim Tahay In Nadaafada Laga Shaqeeyo.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Baargaal@gamil.com









Developed by Jago Desain