Sheeko: Tahriib iyo Tahlukadii Aan Galay: Qore Khadar Ibrahim [Qaybtii 2- aad ]

Sheeko: Tahriib iyo Tahlukadii Aan Galay: Qore Khadar Ibrahim [Qaybtii 2- aad ]

Intiinii sheeka qaybtii hore la socotay waxa ay inoo maraysay aniga oo Magaladii Burco wixii aan dhaqale ka heli karayay Gacanta mariyay ,anigoo qofkasta u sheegaya in aan isu diyarinaayo Waxbarasho Jamacadeed.

Waxa aan isu keenay xoogaa dhaqale ah oo aan isleeyahay waa uu kugu filanayaa Safarkaaga Tahriibka, balse war iyo wacaal toona kama hayo xaladu sida ay noqon doonto iyo markasta waxa is badali doona. Indho la’aan iyo dhaga la’aan ayaan doonayaa in aan dhaqaajiyo aniga oo aan cidna Salamu calaykum oran Walidkii idhalayna ha ahaadee.

Waxaa ii hilaacaya oo maskaxdayda iyo miyirkaygaba la tagay sheekadii Khiyaaliga ahayd ee Saxiibkay ,waxaa maskaxdayda kusoo noqnoqonayaa oo kolba sidii Filimka aan dawanayaa Sawiradii uu Saxiibkay Norwey iiga soo diray,waxa aan isleeyahay talaw mar uun adigoo Norway jooga ayaad kasoo hadli doontaa Lanbarada ay u horayso 0047 ,waxa aan naftayda kolba ku canananaya hadaad bari hore Tahriibi lahayd maanta sidan maad ahateen.

Ayaamo ka bacdi waxa aan raadiyay Shabakadaha wax Tahriibiya iyo meesha laga helo ,ilayn aniga ayuunbaan wax-ogayne Groupka wax tahriibiya waxa ay la shaqeeyaan Dareenka Qofka Tahriibta doonaya .

maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ii yimid Nin aanu is naqaano waxa uu igu yiri ,ma waxa aad doonaysaa in aad Tahriibto!! runtii waan ka naxay eraygaasi waayo maan donayn in la ogaado Safarkayga Tahriibka ,kadibna waxa aan ku iri maya maya ! yaa kugu yiri 


Garabka intuu i qabsaday ayuu isaga oo dhoola cadaynaya waxa uu igu yiri ,saxiib waan ku ogahay ee waxa aad yeshaa waxba hayga qarin aniga ayaa hawshada kuu dhamaynaaya kuna taba-bushaynaya ,balanna waxaan kuugu qaaday in Yurub aad ka cawayso.

Runtii hadalkaasi uu igu yiri aad ayuu ii farax galiyay , kadibna waxa aan si dagdag ah ugu sheegay in aan doonaayo in aan Tahriibo, isaguna waaba intuu doonayaye isla goobtii aanu wada joognayba waxa uu igu siiyay Casharada iyo Shuruudaha looga bahan yahay Qofka Tahriibka ah.

Waxyabaha aan ka xasuusto hadaladiisi ayaa waxa ka mid ahaa:-waxa aad safarka ka bilabaysaa Hargaysa, kadibna waxa aad maraysa Adis’ababa waxaad ku xigsiinaysaa Khartuum,waxa aad uga sii gudbaysaa Liibiya,kadibna waxa aad tagaysaa Wadanka Talyaaniga ,markaliya Ninkaasi Mukhalaska ahi Afkiisa muu soo marin in aan SAXARAHA iyo MAGAFE aanu is huranahay hadiiba ilaah iga badbaadiyana aan badaha waawayn dhex jeexaayo.

Markii uu hadaladaasi ilahaa runtii waxa ay ila ahayeen kuwo aad ii farax galinaya ,soona dhawaynaya Rajadii iyo yididilaadii aan ku fikiraayay,waxa aan aad u necbaa qofkasta oo Safarka Tahriibka khatar ku sheega ,waxa aan aad u jeclaa Dhagahana aan u raaricin jiray cidkasta oo ka hadlaysa fa’iidoyinka dhoofka.

Saxiibkaygii Mukhalaska ahaa sida ugu dhakhsaha badan ayuu magaalada burco iiga Tababusheeyay iigana anba bixiyay aniga iyo dhalinyaro aan ku jiro

Waxa aan ahaa wiil Hooyo korisay ah ,waxa aan ahaa wiil dhalin yar oo waligii aan Burco dhinacna u dhaafin ,tariikhdayda inta aan garanaayo waligay ma seexan Guri aan ahayn kan Hoyaday iyo Abahay ,waan dareemayaa in TAHRIIBKU igu adag yahay

la soco qaybta 3 aad

W.Q / Khadar Ibrahim Aar

khadar aare

Developed by Jago Desain