Dawlada Soomaaliya Oo Qorsheyneysa Inay Cabasho ka Gudbiso Dawlada Imaaraatka.

Dawlada Soomaaliya Oo Qorsheyneysa Inay Cabasho ka Gudbiso Dawlada Imaaraatka.
Dawlada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay cabasho ka gudbiso dawlada Imaaraatka Carabta [UAE] saldhigga ay ka kireysatay maamulka midnima diidka ee waqooyiga soomaaliya ee Somaliland.

Dawlada Soomaaliya ayaa cabashadaa oo sharci ah damacsan inay ka gudbiso dawlada isutaga imaaraadka carabta (UAE) faragalinta ay ku hayso dhulka soomaliya maadaama uu maamulka  Somaliland uusan awood u lahayn inuu wax iibiyo ama kireeyo oo uusan ahayn dal madaxbanaan sidaad awgeedna uusan imaaraadka ka kirayn karin xeradaas ciidan

Hanti Dhowraha Soomaaliya Nuur Jimcaale ayaa shaaciyay in Dawlada edraalka soomaaliya  ay qorsheyneyso in cabasho ay ka qorto dalka UAE xadgudubkaas awgiis

Wuxuu intaa raaciyay in saraakiil UAE ka socday ay laaluusheen saraakiil ka tirsan maamulka Somaliland si arinkaa loogu fududeeyo.

Xeradaa ayaa lagu wadaa in ciidamada UAE looga dhiso magaalo xeebeedka Berbera. Si kastaba ha ahaatee walaac ayaa qorshahaasi gobolka geeska Afrika ka dhaliyay.

‘Heshiisku waa musuq iyo sharci darro,” ayuu yiri mudane Nuur Jimcaale.

UAE oo ka tirsan xulufada Sacuudiga ee Yemen ka dagaalama ayaa damacsan in xeradaa ay uga duusho Xuutiyiinta Yemen.

maamulka gobolada waqooyi galbeed ee Somaliland ayaa sheegtay inay gooni ka tahay Soomaaliya inteeda kale markii ay dagaalada sokeeye ka qarxeen dalka 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain