DEGDEG: Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku guuleystay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo Gobolka Gardafuu oo Dabaaldag Xoog leh ka socdo

DEGDEG: Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku guuleystay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo Degamada Baargaal oo Dabaaldag Xoog leh ka socdo


Waxaa goordhow Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay tartanka wareega 3-aad ee doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Waxaa tanaasulida Xasan Sheekh Maxamuud ay suuro gelisay in Maxamed Cabdullahi Farmaaxjo uu noqdo Madaxweynaha Cusub uu noqdo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya asagoo helay 184 cod halka madaxwaynihii hore ee soomaliya xasan sheekh maxamuud uu helay 97 cod.

Inta badan Degmda Baargaal iyo Dhamaan Deegaanada Gobolka Gardafuu ayaa waxaa haatan ka socda dabaaldegyo, iyadoo guud ahaan ciidamada police-ka ay cirka u ridayaan rasaas .

Taageerayaasha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyo xaafadaha Magaalada Baargaal iyo Magaalooyinka Gobolka Gardafuu ayagoo ku heesaaya heeso wadaniya oo katurjumaaya midnimada iyo qaranimada soomaaliya

Dhinaca kale gobolada dalka ayaa waxaa ka bilowday dabaaldegyo noocaan oo kale ah, waana musharaxii ugu horeeyay ee isagu noqday hoggaamiyaha ugu taageerada badan marka la eego shacabka Soomaaliyeed, kaasi oo iminka guul ka soo hooyay codka kalsoonida xildhibaanada Baarlamaaniga ah.


Maamulka iyo hawlwadeenada Shabakada baargaal.net waxay hambalyo farxadeed wadininimo qaranimo u direen Madaxwaynaha Helay Kalsoonida Shacabka iyo Xildhibaanadii matalaayay , iyo Dhamaan Ummada Soomaaliyeed anagoo ilaahay subxaanahu watacaala uga baryayna inuu waafajiyo xaqa , cadaalada , una sahlo xilkaas iyo amaandaas maanta qoorta loo suray 

Hambalyo hambalyo 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararaka Horumarka Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain