Posts

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in 100-kun oo dollar uu siinayo qofkii soo sheega gaari qarax wada

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in 100-kun oo dollar uu siinayo qofkii soo sheega gaari qarax wada

Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa caawa booqday Isbitaalka Madiina ee Magaaladda Muqdisho, oo manta la gaarsiiyay inta badan dadkii ku dhaawacmay qaraxii manta ka dhacay suuq ku yaalla degmadda wadajir ee gobolka Banaadir.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, ayaa caawa waxaa ay xireen dhamaan wadooyinka magaaladda ee ku dhow isbitaalka.

In ka badan 35 ruux oo shacab u badan ayaa ku dhintay qaraxa, halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in 100, kun oo dollar dowladdiisa ay siin doonto qof kasta oo soo sheega gaari qarax sida ama xog wanaagsan ka keena qarax ka hor inta uusan dhicin.

Koox wariyaal ah iyo sawir qaadayaal ka socday Hiiraan Online, oo qarax kadib gaaray isbitaalka Madiina ayaa soo wariyay in ay arkeen carruur iyo haween kusoo dhaawacmay qaraxa.

Sidoo kale dadka dhaawacyada qabay waxaa ka mid aheyd hooyo “Uur leh” iyo gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay seddex jir.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka.

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain