SAWIRO : Booqashadii Maamulka Gobolka Gardafuu iyo Samafale Tigey ay ku tageen deegaano abaar iyo biyo l'aan ka jirto Gobolka Gardafuu

SAWIRO : Booqashadii Maamulka Gobolka Gardafuu iyo Samafale Tigey ay ku tageen deegaano abaar iyo biyo l'aan ka jirto Gobolka Gardafuu
Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Maxamuud axmed caynab uuna kamid yahay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf iyo samafale Maxamed Yuusuf Jaamac tigay ayaa safar u kuur galid iyo biyo dhaamin ah ku tagay deegaanada Coqnqoro , Muudiye , qoraxaad kuwaas oo kamid ah goobihii sida ba'an abaaraha iyo biyo la'aanta u saamaysay

Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta Baargaal.net ayaa faahfahin ka bixiyay safarkoodii asagoo yiri :

‘’marka hore waxaan ku hormarnay magaalada conqoro oo laga soo guuray waxaana ugu tagnay barkadihii oo eber ah oo burburay , dadkiina xoolihii intay ka dhamaadeen magaalooyinka soo galeen , kadib waxaan u gudubnay magaalada muudiye oo dhib badani ka jirto , oo ceelkii ugu dhawaa ay ka dhaansanjireen ka fadhiyo ayagoo biyo u doonta meel masaafo dheer u jirta deegaanka " Ayuu yiri Gudoomiye abuukar axmed yuusuf

Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf ayaa intaasi ku daray inay intaasi kadib u gudbeen Deegaanka qoraxaad oo ka tirsan Degmada Baargaal oo barkadihii dildilaaceen dadkii ku dhibaataysanyahay halkaas oo aan 4 gaari oo biyo dhaamin samafale Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey gaarsiiyay , deeqdaas oo ka timi Jaaliyad Puntland ee ku dhaqan Sweden (Sundsval) asagoo ugu mahadceliyay jaaliyada deeqdaas wuxuuna ugu baaqay jaaliyada inay soo kordhiyaan oo la qaybsadaan abaarta iyo biyo la'aanta ka jirta deegaanadaas

Halkan Ka dhagayso Gudoomiyaha Degmada baargaal




















SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka calbari
Baargaal@gmail.com


Developed by Jago Desain