Posts

Akhriso: Magacyada shakhsiyaadka la filaayo inay ka mid noqdaan Wasiirada cusub

Akhriso: Magacyada shakhsiyaadka la filaayo inay ka mid noqdaan Wasiirada cusub
Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan shakhsiyaad la hadal hayo inay ka mid noqdaan Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Golaha wasiirada uu soo magacaabi doono Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inay ka dhex muuqan doonaan wasiiro hore xilal uga soo qabtay xukuumadii Farmaajo iyo qaar kale oo ka mid siyaasiyiinta ugu cadcad, waxaa ka mida sida ilo wareed ka ag dhow madaxtooyada soomaaliye sheegeen:

  1. C/xakiim Maxamuud Fiqi – Wasiirkii hore ee gaashaandhigga.
  2. Yusra Abraar – Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe.
  3. Cali Xaaji Warsame – Musharax Madaxweyne.
  4. C/nuur Xaaji Maxamed – Wasiirkii hore ee Waxbarashada.
  5. Maryan Qaasim – Wasiirkii hore ee Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada.
  6. C/raxman Ducaale Beyle – Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda.
  7. C/qaadir Xaaji Maxamed [Dhaqane] – Wasiir dowladii KMG ahayd.
  8. Maxamed Mukhtaar – Wasiir xukuumadii ugu danbeysay.
Waxaa kaloo jira shakhsiyaad loo hadal hayo inay ka dhex muuqan doonaan Golaha wasiirada oo saaxiibo dhow la ah madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
BAargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain