Ciidanka Badda Puntland oo soo qabtay Doomo kaluumaysi oo la sheegay inay wadeen kaluumaysi sharci darro ah

Ciidanka Badda Puntland oo soo qabtay Doomo Jariif ah

Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayaa xeebta degmada Eyl ka qabtay labo doomood oo kalluumaysi sharci-darro ah,kuwaasi oo jariifayey wax ka yar 2 mile xeebta degmada Eyl.

Ciidanka ayaa hareereeyey doomahaan,kadib markii ay kalluumaysato reer Puntland ah ay ku war geliyeeen,waxaana la sheegay in laga leeyahay dalka Yemen.

Doomahaan ayaa hadda lagu hayaa xeebta degmada Eyl,waxaana su’aalo ciidanku weeydiinayaan ajaanibtii saarnaa,inkastoo aan weli la xaqiijin tirade dhabta ah ee raga saraan labadaan doomood.

Weli warar faahfaahsan lagama hayo xogta doomahaan ciidanku qabteen,laakiin saraakiil sare oo ciidanka ka tirsan ayaa u sheegay warbaahinta  in ay baaritaan ku hayaan,islamarkaana ay xogta rasmiga ah soo gudbindoonaan markii baaritaanku dhammaado.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii niman looga shakisanyahay Burcadbadeed soomaali ah ay soo qabteen dooni kallumaysi oo uu leeyahay muwaadin reer puntland ah kadibna ay ka dajiyeen dhammaan shaqaalihii saarnaa oo tiradoodu ahayd 10 nin oo ka soo jeeda dalka Yemen,islamarkaana ay la’aadeen dhinaca badda si ay ugu soo qabtaan maraakiib


Shabakada Baargaal.net 
isha wararka Horumarka Calbari 
Baargaal@gamil.com
Developed by Jago Desain