Posts

DEG DEG: Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan Oo Muqdisho imaanaaya


Jariidad kasoo baxda dalka Turkiga ayaa sheegtay inay xukuumada Ankara diyaarinayso saldhigii ugu weynaa ee Miltriah oo ay ka furnayso caasimada Somalia ee Muqdisho bisha soo socota ee April si ay tababar ugu furto ciidanka qaranka Soomaaliyeed si ay ugu suurta gasho xoojinta xasiloonida Somaaliya.

Jariidadaan oo la yiraahdo Daily Sabax ayaa sheegtay in ciidamada Turkiga ay tababari doonan ciidamada Militeriga Soomaaliya, saldhigaasi ay ciidamada ku tababari doonan ayaa laga hirgalinayaa degaanka Jaziira waxana ku bixi doonta lacag gaareysa 50Milion oo doolarka Mareykanka waxana ay qaada wax ku dhow 1000askari waxana dhulka saldhigaasi laga furayo uu dhan yahay 400Hiktar waxana ku yaala sedex iskuul ay kasoo baxayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa la filayaa inuu yimaado madaxweynaha Turkiga rajab Dayib Ordugan iyo abaandulaha ciidamada Turkiha Khalusi Akar Muqdisho si ay uga qeyb galaan xaflada furitaanka saldhigasi Militery.

Wasiirka difaaca Soomaliya iyo taliyeyaasha ciidamada ayaa booqday saldhiga laga dhisayo Jaziira,madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay diyaar u noqon doonan la wareegista amaanka dalka marka ay ka baxaan ciidamada AMISOM.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain