Posts

Labo Siilaanyo oo Ugu Danbayntii kulmay

Labo Siilaanyo oo Ugu Danbayntii kulmay
Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa Madaxtooyada maamulkaasi ku qaabilay Macalin Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ay isku magac yihiin, kaasi oo maalmo ka hor ay xireen Ciidamada ilaalada wadooyinka.

Macalinkan lagu magacaabo Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ay isku magac yihiin Madaxweynaha ayaa waxa u maamule ku xigeen ka yahay Iskuulka Nuuradiin ee Magalada Hargaysa.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliland iyo Macalinkan ay isku magaca yihiin ayaa waxa ay kaga hadleen sababta Macalinkan uu u jeclaaday Siilaanyo, wuxuuna Macalinkan sheegay in uu taageero u yahay Madaxweynaha.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa arrinta ku aadan xariga loo geystay Macalinkan ay isku magac yihiin Madaxweynaha waxa ay la noqotay layaab, inkastoo markii dambe la sii daayay.




SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain