Posts

Madaxweynaha Puntland oo beeniyay in Imaaraadka uu saldhig military ka dhisanaayo magaaladda Boosaaso

http://1.bp.blogspot.com/-5Lvdx2t5lgU/VogXYLOlQ6I/AAAAAAAAMrM/BRoAIRk4hSU/s1600/dekeda%252Bboosaaso.png

Madaxweynaha Dawlada Puntland dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa beeniyay in Imaaraadka Carrabta uu saldhig military ka dhisanaayo Magaaladda Bosaaso ee xarunta ganacsiga dawlada Puntland. 

 Imaaraadka ayaa galaangal siyaasadeed oo aad u-weyn ka damacsan dawlad goboleedka ku yaalla geeska Africa. “ Dowladda Imaaraadka waxaa ay naga taageertaa dhinaca tababarka ciidanka badda, wax qarsoona ma ahan, laakiin saldhig military oo Imaaraadka uu leeyahay ama ay nagala hadleen ama laga dhisi doono Boosaaso midna ma jiraan”, ayuu yiri madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. 

 Warbaahinta Soomaalidda, ayaa beryihii lasoo dhaafay sheegay, in imaaraadka saldhig military ay ka dhisaneyso Puntland. 

 Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee February, Baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyay heshiis ay Somaliland iyo Imaaraadku ku galeen in saldhig militari uu Imaaraadku ka sameysto magaalada Berbera, heshiiskaas oo soconaya muddo 30 sano ah kaas oo si wayn uga soo horjeesatay dawlada fedraalka soomaaliya .  
Developed by Jago Desain