Sawiro: Markab Shidaal Sida Oo uu Ka Lusho Calanka Dalka Sri-Lanka Oo la afduubay

Sawiro: Markab Saliid Sida Oo uu Ka Lusho Calanka Dalka Sri-Lanka Oo la afduubay
Koox sheegtay inay yihiin Kalluumaysato ayaa Markab ka afduubtay nawaaxiga degmada Calluula ee Gobolka Gardafuu ee puntland

 markabkan la afduubtay oo ah markab ganacsi oo qaada 1,800 ton wuxuuna shidaal ka soo qaaday dalka Djibouti wuxuuna u waday caasimada soomaaliya ee muqdisho waxaa lagu magacaabaa Aris 13 waxaa iska leh shirkadda Panama Armi Shipping waxaana maamula shirkadda Aurora Ship Management oo ku taal dalka isutaga Imaaraadka Carabta waxaana Markabka ay afduubteen saaraan shaqaale kor u dhaafaya Toban qof. 

 Markabka ayaa kujiray ururka ganacsiga ee United Kingdom Maritime (UKMTO), kaas oo ah isu duwaha maaraynta dhammaan maraakiibta ganacsiga iyo doonyaha Gacanka cadmeed 

 Kooxda Afduubka ku qabsaday Markabka ayaa sheegay inay afduubeen ka dib markii uu Qashin Sun ah uu ku daadiyay Markabku xeebaha Puntland, isla markaana ay jiraan qayb ka mid ah Sunta oo wali saaran Markaabka.

 Waxaa qaar ka mid Kooxda Afduubtay Markabka oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ay sheegen inaysan ahayn Burcadbadeed oo ay yihiin rag difaacaya badooda.

 Kooxda Afduubatay Markanka ayaan illaa iyo hadda soo gudbin wax dalab ah, balse waxay sheegen inaay doonayaan inay Ummadda Soomaaliyeed iyo Adduunka ay tusaan dhibaatada lagu hayo Xeebaha Soomaaliya. 

 dhalinyaradan ayaa sheegay inay ahaayen Kalluumaysato, badii ay ka xamaalan jireen lagu soo duulay oo lagu hayo xaalufin ba,an, isla markaana la burburiyay qalabkoodii, loona geystay dhibaato.

 Si kastaba ha ahate, Markabka ayaa Kooxda Afduubatay waxay ay ku haystaan Xeebaha degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu. Waxaa xusid mudan in Howl-gallada afduubka maraakiibta ee xeebaha Somalia ay ahaayeen kuwa sii yaraaday saddexdii sano ee la soo dhaafay





 SHABAKADA BAARGAAL.NET
 Isha wararka horumarka calbari 
baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain