Posts

SAWIRRO:- Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Wareysi Siiyay Wargeyska Toronto Star. (Maxuu Ka Hadlay?)

SAWIRRO:- Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Wareysi Siiyay Wargeyska Toronto Star. (Maxuu Ka Hadlay?)
Toronto Star oo Wareysigan loo ogolaadayla kulanka Xasan daahir aweys waxaana uunoqonaya markii ugu horeysay ee Sheekh Xasan Daahir uu wareysi siiyo saxaafadda ama loo ogolaado in saxafiyiin uu la hadlo.



Weriye Michelle Shephard oo dhinaca ammaanka uga soo warrantay jariirada Toronto Star ayaa la kulantay Sheekh Xasan Daahir, waxayna sheegtay in kulanka uu dhacay intii uu talada hayay madaxweyne Obama oo aan la dooran madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xaaladda Xasan Daahir:

Sheekh Xasan Daahir oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha Alshabaab intii aanu naftiisa kala soo baxsan sanadkii 2013 ayaa ku jira liiska argagixisada Mareykankaiyo UN-ka waxaana uu hore u banneeyay dilka dadka shacabka ah iyo ciidamada dowladda.Xaaladda Xasan Daahir ayaa ah xabsi guri, wuxuu la nool yahay dhowr xaas iyo caruurgaareysa 28 qof. 

Wuxuu ka hadlay maxkamadihii islaamiga ahaa, Alshabab iyo sidii uu uga goostay kooxdii Alshabaab markii ay isku dhaceen hogaamiyahoodii Abu Zubeyr.

Wareysiga ayaa ahaa fursad si gaara loo siiyay saxafiyadan sanadkii hore iyadoo heshiis lagula galay inaysan daabicin, xilligaas oo ay socdeen waanwaan lagu doonayo ina dowladda Qatar ay la wareegto Sheekh Xasan Daahir, taasoo markii dambe fashilantay.

Xaaladda Sharci:Saxafiyadda ayaa sheegeysa in Sheekh Xasan Daahir dowladu ka gaabsatay inay maxkamad soo taagto ama dil lagu xukumo, taasoo ay ugu wacan tahay beesha weyn ee Habargidir oo uu ka soo jeedo.

Mowqifka Sheekh Xasan Daahir:

Wareysiga lala yeeshay Sheekh Xasan wuxuu ku difaacay wixii uu ku kacay xilligii uu Xisbul islaam iyo Alshabab ka mid ahaa,mar la weydiiyay sababta uu dhaleeceyn waayay dilka dadka rayidka ah ayuu sheegay in dagaalku noocaas yahay oo dadka aan waxba galabsan ay ku dhintaan.


Xilliga dagaalku lagu jirayna aysan saamaxeyn in wax la kala sooco, dowladda ayuu sheegay inay iyaduba dad shacab ah disho.

Sheekh Xasan Daahir & Alshabab:

Sheekh Xasan Daahir ayaa ku dooday inuusan ka mid ahayn Alshabab, laakiin uu ku xirnaa ama xiriir la lahaa. 

Kama mid ahayn, laakiin waan taageeray “farqi ayaa u dhaxeeya inaad taageerto iyo inaad ka mid tahay.. waxay la dagaalmayeean caddowgeena, sidaas ayaan ku taageeray”falalkooda qaarkood lama qabin, kuma raacin..”ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.
Developed by Jago Desain