Dawladda Hindiya oo Lo’deeda ku Rakibaysa Qalab Casri ah


Dawladda Hindiya, ayaa Maxkamadda Sare u gudbisay dalab lagu doonayo in lo’da dalka joogta mid kasta la siiyo lambar u gaar ah oo lagula soconayo xaaladdiisa Isniintii toddobaadkan. 

 Wargeyska Times of India ayaa daabacay in sac amma neef kasta oo lo’ ah la siinayo lambar u gaar ah oo lagula soconayo xaaladdiisa, maxkamadda sarena xukuumaddu ka codsatay in qaraar loogu ansixiyo dalabkaas. Sida wararku tibaaxeen Waaxda Beerista Xayawaank

a, ayaa arrintan u xilsaartay farsamayaqaanno gudaha dhegaha lo’da ku xiraya qalab 12 lambar ka kooban oo sac kasta u gaar ah. 

 Dawladdu waxa ay sheegtay in arrintan looga gol leeyahay in si gaar ah loo daryeelo lo’da taagan waqtiga maalista, iyadoo beeralayda ay ka soo yeerayso qaylo-dhaan ku wajahan in lo’dii dabar go’ ku dhaw dahay. 

 Sidoo kale, waaxdan waxay tilmaantay in qorshahan lagaga hortagayo in la yareeyo lo’da, laga gudbiyo xuduudda u dhexaysa Hindiya iyo Bangaladhiis Ku dhawaad 100,000 farsamayaqaan, ayaa lagu qalabayn doonaa 50,000 qalab casri ah, iyagoo dhegaha lo’da ku rakibi doona qalabkan oo midabkiisu yahay huruud. 

Marka lagu xiro gudaha hore ee dhegaha lo’da, waxaay farsamayaqaannadu qalabkan kaga shaqaysiin doonaan barnaamij (database online) internetka toos ula shaqaynaya, kaasoo neef kasta siinayakaarr caafimaadkiisa lagu ogaado iyo waliba mulkiilaha leh macluumaadkiisa oo faahfaahsan.
Developed by Jago Desain