Posts

Deg deg : Ciidamada Badda Hindiya iyo Shiinaha oo samatabixiyay markabkii shalay xeebaha Yaman lagu afduubtay



howlgal wadajir ah, oo ay fuliyeen ciidanka badda Hindiya iyo shiinaha maanta oo axad ah ayaa lagu badbaadiyay markabkii xamuulka ahaa ee OS35 xeebaha Cadan kaas oo lagu tuhunsaa in ay soo qafaasheen burcad badeed Soomaali ah Sabtidii.

aroornimadii axada ayaa ciidamada badda hindiya ayaa xiriir la sameeyay kabtanka markabka oo asaga iyo shaqaalihii la socday markabku ay isku qufuleen qol adag oo markabka dhexdiisa ah waxaa islamarkaasna socday hawlgal dhinaca cirka ah oo lagu raadinayay markabka dushiisa inay saaranyihiin burcad badeed

ciidamada badda shiinaha ayaa fuliyay baadigoob markabka agagaarkiisa iyadoo burcad badeedii ay baxsadeen gudcurka kadib markii isku daygoodii afduubka markabka uu fashilmay

Kabtanka markabka uu ka babanaayay calanka jasiiradaha tufulu ayaa u mahadceliyay ciidamada dalalka hindiya iyo shiinaha ee u soo gurmaday
Developed by Jago Desain