Posts

Kooxda Daacish oo Bilowday in ay isku Bilaariso Deegaano ka tirsan Gobolka Bari


Kooxda Daacish ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Saan oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Daacish ayaa deegaanka la wareegay, waxaana deegaanka ku nool qoysas aad uyar, waxaana Kooxda qabsaday ay ka yimaadeen dhinaca Buuraha oo ay ku sugnaayeen muddooyinkii ugu dambeeyay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax War ah oo kaso baxay maamulka Puntland oo ku saabsan Kooxda la wareegay deegaanka Saan.Dhamaadkii sanadkii 2016-ka ayaa Kooxda Daacish ay la wareegen degmada Qandala ee Gobolka Bari, balse waxaa bilo ka dib ka saaray ciidanka Puntland oola wareegay gacan ku haynteeda.

Kooxda Daacish ayaa ku dhuumaalaysta Buuraha degmada Qanadala ee gobolka Bari, waxaana Puntland ay sheegtay inay dagaal ku qaadayso oo soo afjari doonto balse taasi ma dhicin illaa iyo hadda.
Developed by Jago Desain