Posts

Madax ka tirsan Imaaraadka Carabtaoo ka badbaaday isku day dil duleedka Muqdisho


Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahguddiga gurmadka abaaraha heer Qaran ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in kolonyo ay la socdeen Guddiga oo kusii jeeday duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya in lala eegtay qarax Miino oo la dhigay wadada dhinaceeda.

Waxa uu sheegay in kolonyada ay kamid ahaayeen Xubno kamid ah Guddiga gurmadka abaaraha heer Qaran ee dalka Soomaaliya, agaasimiyaal ka Tirsan Maamulka gobolka banaadir, iyo Madax ka tirsan Imaaraadka Carabta islamarkaana ay kusii jeedeen duleedka magaalada muqdisho oo ay ku sugan yihiin dad Barakacayal ah.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahguddiga gurmadka abaaraha heer Qaran ee dalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in qaraxa uu qabsaday gaari ay la socdeen Agaasimiyaal ka Tirsan Maamulka gobolka Banaadir islamarkaana uusan geysanin wax qasaaro ah, islamarkaana waxa laga xumaado ay tahay in qarax lala beegsado dadka gurmad sameynayo.

ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda.
Developed by Jago Desain