Posts

Markab Hindiya laga leeyahay oo xamuul ah oo xeebaha Soomaaliya lagu qafaashay


Kooxo Burcad-baddeed ayaa lagu soo waramaya inay qafaasheen Markabka Magaciisa lagu sheegayAl Kaushar,oo sida la sheegay ku sii jeeday Dekedda Al-Mukala ee dalka Yemen.

Markabka oo ay la socdaan in ka badan 10 qof oo shaqaale ah oo u dhashay dalka Hindiya ayaa ka soo amba baxay Dekeda Magaalada Abu dhabi

Kabtanka Markabka la afduubtay ayaa ku wargeliyey Maamulayaasha Dubai in Koox Burcad Badeed ah ay Afduubteen Markabka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Hindiya ayaa sheegtay inay ka war heleen Markabka Hindiya ee lagu qafaashay Xeebaha Somalia, iyadoo Shaqaalaha ka soo jeedaan magaalladda Qaddiimiga ee Mandavi ee Koonfurta magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya.

Wargeyska Times Now ee ka soo baxa dalka Hindiya ayaa qoray in Afduubkaasi lagu wargeliyey Maamulka Ciiddanka Badda, si loo qaado Tallaabo si degdeg ah loogu soo badbaadinayo Shaqaalaha Hindida ee la socda Markabka lagu qafaashay Xeebaha Somalia.

Dhinaca kale, Ciiddanka Caalamiga ee Hawlgalka Ilaaladda ka haya Xeebaha Somalia ayaan weli ka hadlin Afduubkan, oo noqonaya kii 2-aad ee wax ka yar hal bil ka dhaca Xeebaha Somalia.

Bartamihii bishii hore ee March waxaa Xeebaha Degmada caluula ee gobolka gardafuu ee waqooyi bari Somalia lagu qafaashay Markab Booyadle Shidaal oo lagu magacaabo THE ARIS 13, kaasi oo ku sii wajahnaa Dekedda magaalladda Muqdisho.

Markabkaasi ayaa la sii daayey, kadib, markii ay Maamulka Puntland iyo Odaayasha Deegaanka wada-xaajood la galeen Burcad-baddeeda, oo loo ballan qaaday inaan wax Dacwad ah lagu soo oogi doonin.

BAARGAAL.NET
Ishaawararkaahorumarkaacalbarii
Developed by Jago Desain