Posts

Mid Kamid ah Hogaamiyayaasha Burcad Badeda Soomaalida oo Gacanta Lagu Dhigay


Maraakiibta dagaalka ee dalka shiinaha oo howlgalo badbaadin ah u sameynayay markab ganacsi oo laga lahaa boqortooyada Britain oo kooxaha burcad badeeda soomaalida ay afduubteen ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Cabdikarin Salax Awkoombe oo ka mid ah hogaamiyayyasha kooxaha burcad badeda soomaalida.

Dowlada shiinaha ayaa xustay in ay ka baxsadeen labo kamid ah kooxahaasi oo dib ugu laabtay deegaanadii ay ka’yimaadeen.

Ciidamada Shiinaha ee Soomaliya ku sugan waxaay sheegeen Cabdikarin Salax Awkoombe in uu ka dambeeyay weeraro lagu qaadya Maraakiibta Ganacsi ee Mara biyaha Somaliya islamarkaana haatan gacanta lagu hayo.

Sanadihii ugu dambeeyay dowlada shiinaha ayaa biyaha soomaaliya waxa ay ka’waday dagaal ay ku heyso kooxaha burcad badeeda ee biyaha soomaaliya ku afduubta maraakiibta caalamiga.

BBAARGAALNET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain