Posts

Sawirro: Maxaa ka soo baxay Kulan Xasaasi ah oo dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Imaaraadka ?


Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta iyo ku xigeenkaTaliyaha ciidamada dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa Qasriga Baxr ee magaalada Abu Dhabi ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dalkaasi booqanaya.

Kulanka waxaa looga hadlay xiriirka labadadal, iyo xoojinta iskaashiga labada dal, iyadoo ay ka wadahadleen labada dhinac mashaariiicda Imaaraadku ka fuliyo Soomaaliya ee dib u dhiska iyo horumarinta isugu jira iyo deeqaha uu siiyo dadka Soomaaliyeed.

Wakaalada wararka Imaaraadka ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya u bandhigay dhaxal sugaha qorshaha dowladiisa ee la dagaalkanka argagixisada iyo dib u soo celinta ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Imaaraadka taageerada joogtada ah iyo kaalmada ay siiso Soomaaliya, iyadoo aan la iloobi karin ayuuyiri is barbartaagga Imaaraadka ee Soomaaliya xilliyada adag ee ay mareyso. 

wuxuuna mahad aan la koobi karin u celiyay hogaamiyeyaasha Imaaradka Carabta.

Dhaxal sugaha Imaaraadka ayaa dhinaciisacaddeeyay in dowladda Imaaraadka Carabta ee uu hogaaminayo Sheekh Khaliifa Bin Zayid Al-nahyan ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya iyo kaalmeynta dib u dhiska hay’adaha dowliga ah si oo xoojiyo ammaanka iyo horumarinta.

Wuxuu xaqiijiyay in Imaaraadku sii xoojin doonto xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya ayna taageereyso dadaalka madaxweyne Farmaajo ku doonayo soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Dhinaca Imaaraadka waxaa kulanka goobjooge ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Anwar Maxamd Qarqaash, ku xigeenka xoghayaha guddigasare ee Amniga Imaaradka, halka Soomaaliya ay goobjoog ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada C/qaadir Macalim iyo mas’uuliyiin kale.




SHABAKADA BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain