Posts

War Deg-deg Ah: Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Maamulka Somaliland oo 2 Sanno Oo Xabsi Ah Ku Xukuntay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon


Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee maamulka somaliland ayaa soo gabo-gabaysay dhagaysiga dacwaddii Suxufi/Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo ku dhow laba bilood ku xirnaa jeelka wayn ee magaalada Hargeysa. 

 Maxkamadda gobolka Marood-jeex ayaa laba sanno oo xabsi ah ku xukuntay Suxufi/Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon Weriye Coldoon ayaa eedaymihii ay kusoo eedaysay Xeer ilaalinta Somaliland ayaa waxa kamid ahaa in uu taageeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo. 

 Xeer ilaalintu waxa kale oo ay weriyaha kusoo oogtay eedo ay kamid ahaayeen inuu ku dhawaaqay midnimada Soomaaliya iyo in uu aflagaadeeyay madaxda maamulka midnimo diidka ee Somaliland. 

 Sidoo kale, waxa ay xeer ilaalintu weriyaha ku eedaynaysay qoraallo uu soo dhigay bartiisa Facebook iyo muuqaallo ay sheegeen inay kala baxeen Computerkiisa iyo Mobilekiisa, kaddib markii la xiray

SHABAKADA BAARGAAL.NET
 isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain