XOG : Waa maxay Ujeedada ka danbeeysa Socdaalka madaxwaynaha Puntland C/wali Gaas ee dalka Itoobiya ku aaday?

XOG : Waa maxay Ujeedada ka danbeeysa Socdaalka madaxwaynaha Puntland C/wali Gaas ee dalka Itoobiya ku aaday?
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017 safar shaqo ugu amba baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya halkaas oo uu kaga qayb geli doono Shirka Madaxda Afrika ee Tana Forum oo sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Bahar dahar ee dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa garonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo ku sii sagootiyey masuuliyiinka ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Safarka Madaxweynaha ayaa isugu jira ka qayb galka shirka Tana Forum oo ay kasoo qayb gelidoonaan madax badan oo ka kala socda dalalka Africa, iyo kulamo kale oo u dhexayn doona Dawladda Puntland iyo Dalka Itoobiya, kuwaas oo la xidhiidha iskaashiga labada dhinac ee dhanka ganacsiga, amaanka iyo mashaaruca horumarineed ee dalka Itooyabiya dhowaan ka hirgelin-doonto Puntland.

Shirkani Tana Forum ee u dhexeeya madaxda Qaarada Africa ayaa waxaa lagaga hadli doonaa xidhiidhada wadamada Qaarada Africa, siyaasada, Amaanka iyo wixii ka hirgalay qodobadii laga soo saaray shirkan kii ka horeeyey ee sanad kii hore ay yeeshaan, waxaana uu socon donaa shirkani mudo laba cisho ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkaasi kaga hadli doonaa xaaladaha Amni iyo dhaqaale ee waddanka Soomaaliya gaar ahaan Puntland, is bedelka siyaasadeed ee guud ahaan Soomaaliya, saamaynta abaarta baaxadale ee ka jirta Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiima.

BAARGAAL.NET 
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Developed by Jago Desain