Askari ka tirsan Ciidamada Maraykanka oo lagu dilay Muqdisho


Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ciidamadooda khaaska ah lagu dilay gudaha Soomaaliya, labo kalena lagu dhaawacay xilli uu socday hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Warbixin laga soo saaray taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in askarigani uuku dhintay meel qiyaastii 60 KM dhanka galbeed ka xiga magaalda Muqdisho.Warbixintu waxaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay caawinayeen ciidamada milatarigaSoomaaliya oo hawlgal fulinayay.

Bishii la soo dhaafay ayaa tiro ciidamo ah oo Mareykan ah waxaa la geeyay gudaha Soomaaliya si ayu tababaraan isla markaana u qalabeeyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa midowga AFrika.

Inkastoo ciidamo yar oo ka tirsan kuwa la dagaalanka argagixisada ee Mareykanka ay ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya, haddana Ciidamadan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo Mareykan ah oo Soomaaliya la geeyo tan iyo sanadkii 1994.
Developed by Jago Desain