Posts

ciidanka Galmudug oo soo furtay gaari ay lahayd wasiir ku-xigeenka haweenka Puntland oo kooxo burcad ah dhowaan dheceen


Ciidanka ammaaanka ee maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda dowladda Puntland gacanta u soo geliyaan gaari ay lahayd wasiir ku-xigeenka haweenka dowladda Puntland oo kooxo burcad ah dhowaan dheceen.

Galmudug ayaa maanta xaqiijisay in ciidankeedu ay soo furteen gaarigii kooxaha burcadda ah ee ka soo jeeda deegaamada Galmudug ay ka dheceen wasiir ku-xiegeenka haweenka dowladda puntland. 

Galmudug ayaan wali ka hadlin tirada kooxaha gaarigaasi dhacay iyo haddii ciidankoodu ay gacanta ku soo dhigeen raggii ka dambeeyey, waxaase siweyn loo hadal hayaa wadashaqaynta labada dhinac oo bilihii ugu dambeeyey soo wanaagsanaanaysey.
Developed by Jago Desain