DEGDEG : Barcelona oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo muuqaalkii muranka badan dhaliyay ee kulankii ugu dambeeyey ee Real Madrid ay horyaalka spain ku qaadeen

DEGDEG : Barcelona oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo muuqaalkii muranka badan dhaliyay ee kulankii ugu dambeeyey ee Real Madrid ay horyaalka spain ku qaadeen

kooxda Barcelona ayaa ku baaqday in baaritaan lagu  sameeyo muuqaal ama sawir  dhaliyay muran badan kadib kulankii Real Madrid ay la ciyaartay kooxda Malaga, kaas oo ku dhamaaday  kooxda reer boqor oo 2-0  ku badisay kuna qaaday horyaalkeedii 33 aad ee la liga ah

muuqaalka ayaa , daafaca kooxda Malaga ee  Michael Vilanyoava ayaa u muuqda in  uu kubada ka dul boodayo si uu ugu  suurto geliyo in ay  kubadu u marto  xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaasoo ka dambeeyay oo helay kubaa 

Wargeyska spain ka soo baxa ee  Marca ayaa talaadadii maanta ahayd qortay  in kooxda Barcelona ay ugu baaqday  guddiga horyaalka kubbada cagta spain   inay sameeyaan baaritaan sida ugu dhakhsiyaha badan 

Kooxda gobolka Catalonia ka jirta  ayaa si maldahan u sheegtay in daafaca kooxda Malaga uu si ula kac ah oo caajisnaani ku jirto uu kubbda ugu ogolaaday inay u gudubto Ronaldo, 

kooxda real madrid  ayaa u baahnayd  kaliya barbar dhac si loogu caleemo saaro Horyaalka, halka Barcelona ay ahayd fursadeedu  keliya  khasaaraha kooxda real madrid  iyo guul ay ka gaaraan kooxda  IBAR , taas oo ku soo dhamaatay 4-2 oo ay kooxda Barcelona ay ku badisay 

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka Calbari 
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain