Posts

Dowladda Koonfur Kuuriya oo ciidamadeeda badda usoo dirtay xeebaha Soomaaliya si ay usoo furtaan markab la afduubtay


Dowladda Koonfur Kuuriya ayaa cutub kamid ah ciidamadeeda badda usoo dirtaybiyaha Soomaaliya kadib markii kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ay afduubteen markab kalluumaysi oo laga leeyahay dalkaas.

Markabka la afduubtay oo siday badmaaxiyiin u dhashay Kuuriya koonfureed iyo kuwa kale oo ajnabi ah, ayaa lumiyay xiriirka, kadib markuu isku haleeyay inuu markab kale ka dambeeyo, sida lagasoo xigtay saraakiil katirsan waaxda difaaca dalkaasi.

Kuuriya koonfureed ayaa qeyb ka ah howgalka caalamiga ah ee lagula dagaalamayo burcadbadeeda Soomaalida,kaasoo soo bilowday sanadki 2008, xiligaas oo ahayd markii burcadbadeeda Soomaalida si ba’an uga dilaacday biyaha Soomaaliya.
Developed by Jago Desain