Machad Caafimaad oo laga furay Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu “sawirro”

Machad Caafimaad oo laga furay Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu “sawirro”

waxaa maanta magaalada Baargaal  lagu qabtay xaflad si weyn loosoo agaasimay oo lagu furayay machad caafimaad oo lagu magacaabo AlHayat institute Of Health and science kaas oo lagu baran doono waxbarashada caafimaadka.

machadka lagu baranayo caafimaadka ayaa waxaa furitaankiisa ka qeyb galay Masuuliyiin ka socda maamulka degmada oo uu horkacayay Gudoomiyaha degmada Baargaal Abuukar axmed yuusuf  , Gudoomiyaha Caafimaadka Degmada Baargaal maama Istanbuul cali aadan , Gudoomiyaha Dhalinyarada iyo arimaha Bulshada degmada Baargaal Shire maxamed maxamuud ,Nabadoono , cuqaal , ganacsato , maamulka machadkan cusub, , ururka haweenka degmada baargaal iyo marti sharaf kale , waxaana intii ay socotay xaflada lagu furayay machadka  hadalo ka jeediyay maamulaha machadka iyo ka qeyb galayaashii.

Maamulaha machadka Mukhtaar maxamed maxamuud (Mukhtaar dhagiig)  oo ugu horeyn ka hadlay goobta ayaa sheegay in ujeedada loo furay machadkan uu yahay kadib markii ay arkeen baahida loo qabo in dhalinyarada ay helaan waxbarashada caafimaadka iyo si loo soo saaro dhalinyaro xarumaha caafimaadka ka hawl gali kara iyo kalkaaliyaal caafimaad. 

Sidoo kale Nabadoon Maxamed nabadoon cali   oo ka mid ah waxgaradkii ka qeyb galay munaasabadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in la helo iskuulo lagu barto caafimaadka.

Waxaa sidoo kale  ka hadlay xaflada macalimiin, ganacsato, culamaaudiin oo dhamaan amaan u soo jeediyay machadka caafimaadka ee alxayaat iyo maamulkiisa, iyagoo sheegay in ay jirtay baahi xoogan oo loo qabo adeegyada caafimaadka degaanka.

Ugu danbeyntii waxaa goobta ay ka dhaceysay xaflada furitaanka Machadka barashada caafimaadka ee alxayaat institute o health and science  ka hadlay Gudoomiyaha degmada baargaal Abuukar axmed yuusuf asagoo sheegay in ay tahay mid aad loogu riyaaqo hirgalinata Machad lagu baranayo culuumta caafimaadka qaybihiisa kala duwan ayaguna ka maamul ahaan ay aad u soo dhawaynaayaan 

Halkan ka daawo sawirada xalada furitaanka machadka Alxayaat institute Of Health and science ee Degmada Baargaal










SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegnada Calbari
Baargaal@gmail.com


Developed by Jago Desain