Sawiro : kooxda FC Barcelona oo si rasmi ah u soo bandhigtay maaliyada cusub ee kooxda xilli ciyaareedka 2017-2018

Sawiro : kooxda FC Barcelona oo si rasmi ah u soo bandhigtay maaliyada cusub ee kooxda xilli ciyaareedka 2017-2018

kooxda kubada cagta ee FC Barcelona ayaa shaaca ka qaaday maaliyada cusub ay ciyaartoyda kooxdu xiran doonaan xilli ciyaareedka 2017-2018, taas ay ka muuqan doonto magaca maalgaliyaha cusub ee kooxda ee Rakuten, iyadoo iib ahaana suuqyada laga heli doono biloga bisha June ee fooda nagu soo haysa

maaliyadan cusub ayaa samaynteeda loo isticmaalay technologyada Aeroswift 

 maaliyada cusub ayaa ka kooban kalarada casaan iyo buluug tikh ah, si ay u muujiso xarrago iyo cusboonaan waxaana gacmaha looga qoray erayada "Forca Barça" 

 xiddiga kooxda Neymar asagoo ka hadlaaya maaliyada cusub, ayaa yiri: " markii ugu horeysay ee aan soo xirtay maaliyada cusub , waxaa igalay dareen faan iyo rajo ku saabsan xilli ciyaareedka soo socda, runtii waa maalitad ka turnumaysa jiilka cusub.

dhinaca kale surweelka ayaa ah buluug leh xariiqimo casaan ah , sigsaanta ama sharaabaadka waa buluug iyadoo la isticmaalay technology Nike Grip, waxaana lagu daabacay erayga "Barça". 





 SHABAKADA BAARGAAL.NET Ishaawararkaahorumarkaacalbarii
Developed by Jago Desain