Ururka Dhalinyarada Degmada Baargaal oo Doortay Maamul Cusub (Sawiro)

Ururka Dhalinyarada Degmada Baargaal oo Doortay Maamul Cusub (Sawiro)


Xaflad Balaaran Oo lagu qabtay Xaruunta wasaaarada Deegaanka Daaqa Dalxiiska iyo Duurjoogta ee Degmada baargaal ayay Ururka Dhalinyarada Degmada Baargaal ku doorteen Gudoomiye Iyo Kuxigeen uu Yeesho ururka Dhalinyarada Degmada Baargaal.

Munaasabada Doorashada Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Degmada Baargaal ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha Dallada Midowga Ururada Gobolka Gardafuu ee GAYAN Mudane maxamuud cali siciid , Odayaasha dhaqanka,Maamulka Degmada,Ciidamada,Culumaaudiinka iyo dhamaan qeybaha bulshada kudhaqan Degmada Baargaal ee gobolka GardaFuu.

Doorashada Gudoomiyaha Ururka iyo ku xigeenkiisa ayaa U dhacday habka Codka Qarsoodiga ah waxaana Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Degamada Baargaal iyo ku xigeenkiisa u Tartamay saddex Musharax

doorashada ayaa waxay u dhacday Si habsami ku dheehantahay iyadoo Tirada codeysay ay gaareysay 32 xubnood  waxaana codoka loo kala helay sidatan


1. Shire Maxamed Maxamuud 15 cod. 
2. Siciid Maxamed maxamuud waxuu helay 13 cod. 
3. Maxamed maxamuud axmed wuxuu helay 4 cod .


Sidaas waxaa gudoomiye kunoqday Shire Maxamed Maxamuud halka uu Siciid Maxamed maxamuud uu noqday ku xigeenkiisa

intaasi kadib ayaa waxaa Halkaasi ka hadlay Qaar Ka mida masuuliyintii ka Qayb gashay munaasibada waxayna dhamaan u hambalyeeyeen Guddomiyaha cusub iyo ku xigeenkiisa

dhinaca kale Guddomiyaha Dallada Midowga Ururada Gobolka Gardafuu ee GAYAN Mudane maxamuud cali siciid oo Hadal kooban Ka jeediyay xaflada ayaa ku bogaadiyay Dhalinyarada in ay Gacmaha is qabsadaan isagoo Dhalinyarada Degmada iyo bulshada ku amaanay Sida Wanaagsan ee ay doorashadu u dhacday asagoo u hambalyeeyay Guddomiyaha cusub iyo ku xigeenkiisa wuxuuna kula dar daarmay in ay sii wadaan dadaalkoda

Halkan ka daawo sawirada 













SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Developed by Jago Desain