Bisha Shawaal oo laga arkay Soomaaliya, Sacuudiga iyo dalal kale (CIID WANAAGSAN)

Bisha Shawaal oo laga arkay Soomaaliya, Sacuudiga iyo dalal kale (CIID WANAAGSAN)

Wara hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in bisha Shawaal laga arkay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, sidaas darteedna berri oo axad ah ay tahay maalinta koowaad ee ciida.


Meelaha bisha laga arkay waxaa ka mid ah deegaanno ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe sida Balcad iyo Mahadaay iyo qeybo kale oo ka mid ah gobolka Mudug, sida Xarardheere. Sidoo kale gobollada Bay iyo Bakool ayaa bisha laga arkay.

Dhinaca kale, Guddiga raadinta bisha ee dalka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in maanta ay ahayd maalintii ugu dambeysay ee bisha barakeysan ee Ramadan, islamarkaana maalinta axadda ee beri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Guddiga ayaa sheegay inay ciidda ku dhawaaqeen kadib markii qeybo ka mid ah dalka Sacuudiga laga arkay bisha Shawaal.


Sidoo kale dalalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay in berri oo axad ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga, kadib markii ay shaaca ka qaadeen in bisha Shawaal la arkay.

Dalka Lubnaan ayaa sidoo kale lagu warramay in bisha laga arkay, oo berri ay ciid tahay.


Dhamaan umada Soomaaliyeed meel walaba oo aad joogtaan waxaan idin leenahay Ciidwanaagsan, 29 cisho kadib waxaa idinku hanbalyaynanaa dabaaldaga maalinta ciida Fidriga oo aad ku wada damaashaadaysaan dunida daafeheeda.

Waxaan hambalyo gaar ah u diraynaa akhristayaasha shabakada Baargaal.net waxaan ilahay ka rajaynaynaa in uu naga aqbalo cibaadada Soonka cadaabtana uu naga xoreeyo Insha Allah.

Waxaan Alle weydiisanaynaa in u dalka Soomaaliya iyo dadkaba uu ka dul qaado dhibaatada Dagaalada Colaada iyo abaaraha uguna badalo Nabad, Cadaalad, Horumar, Sinaan, iyo Barwaaqo.

SHABAKADA BAARGAAl.NET
Isha wararka horumarka Deeganada Calbari
Nagala soo xiriir : Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain