Dowladda Faderaalka oo guddi gaar ah u saareysa wax ka qabashada Tahriibka iyo sida loo badbaadin lahaa Muwaadiniinta Soomaliyeed

Dowladda Faderaalka oo guddi gaar ah u saareysa wax ka qabashada Tahriibka iyo sida loo badbaadin lahaa Muwaadiniinta Soomaliyeed


Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay ka hadashay dhibaatadda uu tahriibka ku hayo dhallinyarada Soomaaliya,kaddib markii baraha bulshadda lugu baahiyay boqollaal dhallinyaro ah oo ku xiran xeryo ku yaalla dalka Liibiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda faderaalka ayaa lugu sheegay inay ka go’antahay wax u qabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka duuleysa muhiimada wargelinta shacabka marwalba si ay xaalada ula socdaan ayaa Dowladu waxey baaq u direysaa shacabka ee ku aadan dhibaatooyinka tahriibka si loo yareeyo khasaaraha shacabka ka soo gaara iyagoo u tahriibaya dalal kale. Dowladu waxey si joogta ah ula socotaa dhaqdhaqaaqyada iyo xaaladaha muragada leh ee ka soo yeereysa tahriibka badaha oo shacab fara badan ay waxyeelo ka soo gaartay.” ayaa lugu yiri war-saxaafadeedka dowladda ka soo baxay.

“Sidaas daraadeed, Dowlada Federaalku waxey shacabka u xaqiijineysaa inay wado dadaal walba oo lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Dhowaan ayey aheyd markii ay Dowladu heshiis la gashay Dalka India si maxaabiista Soomaaliyeed dib dalkooda loogu soo celiyo”

Sidoo kale,waxaa lugu sheegay war-saxaafadeedka in dowldda ay guddi gaar ah oo heer wasiir iyo farsamo ka kooban u saari doonto wax ka qabashada Tahriibka iyo sida loo badbaadin lahaa Muwaadiniinta Soomaliyeed ee dhibaatada heysata.

Ugu dambeyn,war-saxaafadeedka ayey dowladda ku caddeeysay inay ku howlan-tahay qabashada shirar wada tashi oo ay la yeelaneyso Hay’ado Caalami oo ku lug leh arrimaha tahriibka kana shaqeeya wadamada ay ka mid yihiin Liibiya,iyadoo kala hadashay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada taagan.


BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain