hawlgalka Midowga yurub oo beeniyay in mid ka mid ah Maraakiibtooda dagaalka uu ku qarxay oo ku degay Xeebaha Soomaaliya

hawlgalka Midowga yurub oo beeniyay in mid ka mid ah Maraakiibtooda dagaalka uu ku qarxay oo ku degay Xeebaha Soomaaliya

Howlgalka Midowga yurub ee EU NAVFor ayaa beeniyay in mid ka mid ah Maraakiibtooda dagaalka uu dab qabsaday, kadibna uu ku qarxay oo uu ku degay Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaa xeebaha Degmada murcanyo 

Qoraal ay soo dhigeen bartooda twitterka ayay ku sheegeen inay ka warqabaan wararka laxiriira in uu dab qabsaday markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Midowga yurub

“Waxaanu xaqiijinaynaa in wax shil ah uusan ka dhicin markiibtayada dagaalka ee ilaalisa xeebaha Soomaaliya, dhammaan shaqaalaha maraakiibtayadu waa badqabaan, wax dhib ahna ma jiraan” Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka howlgalka Ciidamada Midowga yurub ay soo dhigeen bartood twitter-ka.

 Qaar ka mid ah dadweynaha degan Degmadda Murcanyo ee gobolka Gardafuu xeebaha Puntland ayaa idaacada VOA usheegay inay arkeen markab weyn oo ay umalaynayaan inuu yahay midka dagaalka oo qarxaya ka dibna biyaha quusay 

 Qaar ka mid ah kaluumeysata iyo dadka deegaanka oo ay VOA-du la hadashay ayaa sheegay inay u maleynayaan in qaraxa uu ka dhex dhacay markabka oo ah nooca dagaalka.

 Waxey sheegeen in laba Markab oo kale oo kuwa dagaalka ah oo u soo gurmaday ay illaa iyo hadda taagan yihiin halka uu markabka ku degay oo Murcanyo u jirta ilaa iyo afar mile. 

 Howlgalka Midowga yurubooo la bilaabay 10 sanno ka hor ayaa maraakiibtooda dagaalku waxay ka ilaaliyaan xeebaha Soomaaliya Burcad-badeeda iyo hubka sida sharci-daradakuu soo gala Soomaaliya.
Developed by Jago Desain