Posts

Kalfadhiga 39-aad Ee Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Furmaya


Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga furmaya Kalfadhiag 39-aad ee Baarlamaanka Puntland.

Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Federaalka iyo dadweyne kale ayaa ka qyab galaya furitanka Kalfadhiga.

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali ”Gaas”, ayaa si rasmi ah u furaya Kalfadhiga, wuxuuna jeedin doona Khudbadiisa furitaanka.

Marka laga tago furitaanka Kalfadhiga, waxaa sido kale xariga laga jarayaa Hoolka shirarka Baarlamaanka Puntland oo dib-u-habayn lagu sameeyay.  
Developed by Jago Desain