Maqaal : Diyaarinta Xirfadlayaasha Waxay Ka Mid Yihiin Qorshaha Horumarinta Dalka

Maqaal : Diyaarinta Xirfadlayaasha Waxay Ka Mid Yihiin Qorshaha Horumarinta Dalka

Intii u dhaxaysa 21-24 May 2017, waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo dambiyadda ka dhaca badaha ee Bosaso, Seminaar aad iyo aad muhiim ugu ah bulsha weynta Soomaaliyeed iyo gaar ahaa kuwa Puntland, kaaso ay soo qaban qaabisay Hay’adda FAO xafiiskeeda IGAD ee Adiss Ababa oo ku saabsanaa Seminaar guud oo loogu gogol xaaray in loo qabto maamuladda ka jira Soomaaliya oo dhan bilaha soo socda.

Waxaana lagu uruurinayay seminaarkaas xogo ku saabsan baahiyaha iyo dhibaatooyinka ka jira badaha Soomaaliya si adduun weynaha loogu bandhigo wax ka qabashadooda, waxaana furay Agaasimaha Wasaarada Dekedaha Cabdi Majiid Samatar (Jaafaan) iyo Cabdi waaxid Maxamed Xirsi ( Joocaar) oo ka socday xafiiska Badaha ee IGAD oo hoos yimaada Hay’adda FAO 

Seminaarkaas marka la eego Muhiimadda uu lahaa iyo dadka ka soo qayb galay isuma dhigmin. 

Seminaarka waxaa waajibkiisu ahaa in laga soo qayb geliyo kalluumaysatada iyo xirfadlayaasha aqoonta u leh cilmiga badaha ee degaanada Garacad,Eyl, Hurdiya, Xaafuun, Bayla, Laas-Qoray, Caluuma, Baargaal iyo Bosaso, degaanadaas oo saldhig u noqon kara Horumar ka faa’idaysi oo laga sameeyo degaanada Puntland, oo aan hadda waxba loo qaban dib u dhac weynina haysto dadka ku nool (deggan) 

Dhexda, Agaasimaha Dekedaha Puntland Jaafaan iyo Joocaar oo ka socda IGAD iyo Qaar ka Mid shaqaalaha Wasaaradaha

Aqoon Kororsigaa xirfadeedna wuxuu ka mid yahay qoddobadaasaasiga u ah in uu bulshadda ku hagi karo Horumar ay ka sameeyaan meelaha lagu jiheeyo, taasoo wacyi gelin ahaan, iyo aqoon kororsi ahaanba kordhinaysa fikradaha dadka aga siiyo qaabka looga faa’iidaysan karo kheyraadka badaha Puntland.

Waxaa nasiib daro ah noocyada bulshada Puntland ka kooban tahay oo isugu jira Xoolo dhaqato, qodato iyo xeeb Joog, mar kasta waxaa talada dalka qabta siyaasiyiinta ka soo jeedareer guuraaga xoolo dhaqatada ah oo cuqdad ka qaba xeeb-joogta Kalluumaysatada ah.Taasina waxay abuurtay inaan degaanada xeebaha ku yaal ee Puntland oo 18 sanno jirsaday aan wax lagu tilmaami karo horumar oo miro dhal ah aan laga samayn (Qaban).

Haddaan hoosta ka xarrriiqno qoddobkaas wuxuu ka mid yahay sababaha burcad badeedu uga duulaan degaanada xeebaha Puntland, iyadoo uu nidaamku yahay in laga difaaco dhulka berriga ah, Weerarada burcad badeedu badda aada oo bulshadana la hormariyo, xarumo ciidan oo hormarsana laga sameeyo oo keliya, taaso aan u muuqan madaxda dowladda maamulka Garoowe fadhiya oo qurba joogta u badan oo aan wax fikrad ahna ka haysan kheyraadka badda iyo sida looga faa’iidaysan karo, balse aragtidoodu ku kooban tahay danahooda keliya iyagoo dugsi badeed cilmiga badaha lagu barto furi waayey.

XIGASHO;KAAHABARI


Developed by Jago Desain