Musharaxiinta isu soo taagaysa doorashada madaweynaha Puntland ee 2019 oo sii kordhaya

Musharaxiinta isu soo taagaysa doorashada madaweynaha Puntland ee 2019 oo sii kordhaya

Waxaa sii kordhaya tirada musharaxiinta isu soo taageysa doorashada madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland ee sida qorshuhu yahay la qaban doono 8da bisha January ee sanadka 2019.

Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo magac ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed kana mid ah siyaasiyiinta Puntland horayna xilal kale duwan uga soo qabtay dowladda dhexe iyo dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu ka qeybgalo tartanka doorashada Madaxweynaha Puntland ee sanadka 2019.

Siyaasi cali cabdi awaare ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono baahiyaha ka jira Puntland haddii uu ku guulaysto. 

Si kastaba waxaa dhawaan sidaanoo kale isu soo sharaxay Guddoomiyihii hore ee barlamaanka dawladda Puntland Siciid Xasan Shire kaasoo sheegay inuu diyaar u yahay tartan uu u galo xilka madaxweynaha Puntland asagoo ku sheegay Wareysi uu maalmo ka hor siiyay Radio Daljir. 

Saciid Xasan Shire ayaa sheegay inuu ahaa shakhsi mar walba u taagan difaaca xuquuqda shacabka reer Puntland islamarkaasna kasoo horjeestay siyaasad walba oo aan dan ugu jirin shacabka Puntland. 

Siyaasi Saciid Xasan Shire ayaa 28 bishii Actobar ee sanadkii 2015, iska casilay xilkii guddoomiyaha barlamaanka Puntland, kadib markii ay mooshin abaabulan ka keeneen in ka badan 40 xildhibaan.

Waxaa jira codad badan oo isa soo taraya oo ka hadlaya in isbedel deg deg ah loo baahanyahay kuna eedayna xukuumada hadda talada haysa inay ku fashilnatay ballanqaadyadii ay u ballanqaaday shacabka puntland gaar ahaan dhincyada dhaqaalaha , adeegyada bulshada iyo la dagaalanka xaalufka iyo kaluumaysiga sharci darrada ah, musuqmaasuqa iyo ballanqaadkii waynaa ee ahaa gaarsiinta adeegyada dawlada deegaanada laamiga ka baxan ee Gaari waa

SHABAKADA BAARGAAL.NET 
Isha wararja horumarka cabari 
baargaal@gmail.com      
Developed by Jago Desain