Posts

WAR SAXAAFADEED: Mowqifka Soomaaliya ee Khilaafka Diblomaasiyadeed ee dalal Carab ah

WAR SAXAAFADEED: Mowqifka Soomaaliya ee Khilaafka Diblomaasiyadeed ee dalal Carab ah
WAA WAR SAXAAFADEED oo ay soo saartay Dowladda fedaalka Soomaaliya. 

 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxey ka xun tahay kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah. 

 Waxey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyadaoo la adeegsanayo Ururka Jaamicadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar utahay in ay gacan ka geeysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.


Developed by Jago Desain