warkii aan ka qornay markabkii ku degay xeebaha soomaaliya oo lasheegay in ay run ahayn, laakiin Markabku wuu degay

warkiiaan ka qornay markabkii ku degay xeebaha soomaaliya oo lasheegay in ay run ahayn, laakiin Markabku wuu degay

maanta oo ay taariikhdu tahay 29 June ayaa bayaan ay soo saareen ciidamada ilaalada xeebaha yaman waxay ku beeniyeen warar lagu qoray warbaahinta qaar oo sheegaayay inay soo gaartay qaylo dhaan markab degaaya iyo inuu jiro markab nooca shidaalka qaada ah oo degay maalintii taariikhdu ahayd 26 June.

bayaanka ayaa lagu sheegay in sheekada ku saabsan dagistii markabka gebi ahaanba ay been tahay , inkasta oo ay ku salaysanayd warar ilo warbaahineed iyo khubaro dhaqdhaqaayda badda la socda iyo radarka

 dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Gardafuu ee Puntland Maxamud Axmed Caynab ( gubsul) ayaa sheegay inuu tagay goobtii lagu sheegay in markabku ku degay, balse uusan arkin wax raad ah oo muujinaya in goobta markab lagugubay iyo khasaaro kale toona 


 “xeebta badda cas ma ahan sida xeebta badweynta India oo hadii uu markab ku quuso horey laga arkayo oo waa mool aad u dheer,markab quusayna sida alwaax horey lagama arkayo oo dusha sooma fuulayo wuu degayaa oo wuu quusayaa waxaan u baahannahay inaan si qoto dheer u baarno oo Punland ayaan ka codsanay wasaaradaheeda iney berrito soo diraan quburro quusta si hoos loogalo oo gunta loo ogaado, inta ka horeysana baaritaankaas la xaqiijin doono”ayuu hadalkiisa sii raaciyey 


Shabakada Baargaal.net ayaa qortay shalay in Markab la sheegay in uu siday 3,000 oo tan oo shidaal loo badinayo inuu yahay markabka lagu arkay xeebaha degmada murcanyo asagoo ddagaaya


BAARGAALNET 


Developed by Jago Desain